Munaasibad balaadhan oo maanta ka qabsoontay xarunta Hiraal Youth Center ayaa hay’adda SOHASCO oo kaashanaysa hay’adda #UNFPA iyo Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL ayaa u soo gabo-gabeeyey 11 tababar xirfadeed kala duwan 470 dhallinyaro iskugi jira gabdho iyo wiilal ba. Munaasibada ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka socotay xukuumadda Jamhuuryadda Somaliland, ku-xigeenka madaxa hay’adda UNFPA iyo masuuliyiin kale.
Dhammaan masuuliyiinta madasha ka hadlay ayaa waxa ay hambalyo u direen ardayda tababarka dhamaysatay, iyaga oo sidoo kale ka hadlay faa’iidooyinka ay bulshada u leedahay barashada xirafaduhu waxa aanay kula dar-daarmeen ardayda tababarka dhamaysatay in ay ded-daalka halkaasi ka sii wadaan.
Gaba-gabadii xafladda waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardaydii tababarada dhamaysatay.




















No comment